Somali News

Dil xalay ka dhacay Gaalkacyo iyo Baaritaano saakay socda.

Gaalkacyo-KNN-Ciidamada ammaanka ayaa saaka howlgallo lagu xaqiijinayo amniga waxaa ay ka wadaan Magaalada Gaalkacyo Ee G/Mudug.

Howlgalkan ayaa imaanaya kadib markii maalmahan dambe magaalada ay ku bateen dilalka qorsheysan iyo dhaca dadka deegaanka loo geysanayo.

Xalay degmada waxaa ka dhacay toogasho ay isku geysteen Labo askari oo mid ka mid ah Askartii uu geeriyooday, halka midkii kalena uu dhaawac soo garaaray.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan howlgalada ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.