Somali News

Diyaar garowga Xuska 18 may oo laga dareemayo deegaanada Soomaaliland.

Muqdisho-KNN-Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliland ayaa maanta waxaa laga dareemayaa diyaar garowga xuska maalinta 18 may oo ah maalintii ay Soomaaliland sheegatay inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Ardayda , ganacsata , siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ku dhaqan deegaanada Soomaalialnd  ayaa dhamaantooda u diyaar garoobay xuska 18 may.

Wadooyinka Magaalada Hargeysa iyo Magalooyinka kale ayaa waxaa lagu arkayaa Calanka Soomaaliland oo suran.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu beri ka qeyb galo xuska 18 may.

Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay amaanka deegaanada Soomaaliland, iyadoona xuduudaha ay la wadaagto Puntland iyo dalalka deriska ah ay dhigtay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo ka hortagaya falalka amni daro.

Xuska 18 may ee la qabto ayaa bilowday kadib markii 1991 Soomaaliland qaadatay go’aan ay kaga baxday Soomaaliya inteeda kale.