Somali News

Diyaarad laga helay qaar ka mid ah meydadka rakaabkii la socday

Kooxaha gurmadka dalka Nepal ayaa soo helay meydadka 14 ruux oo la socday diyaarad shalay ku dhacday bariga dalkaas.

Afhayeen u hadlay kooxaha gurmadka ee dalka Nepal ayaa sheegay inay soo heleen meydadka 14 ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa diyaarad ay la socdeen 22 ruux oo shalay dhul buuralay ah ku dhacday.

Cimilada oo xun darted ayay kooxdaan sheegeen inay sii adkaynayso in baadigoobku sii socdo.

Meelaha qaar waxaa aad u adag in kooxaha samatabixinu tagaan sida warbaahinta dalkaasi sheegtay. Dadka diyaaradda la socday oo dalxiisayaal ahaa waxay dawlada Nepal sheegtay inay u kala dhasheen dalalka Hindiya, Nepal iyo Canada