Somali News

Diyaarado dagaal oo Duqeyn ka geystay deegaano u dhaw degmada Ceelbuur

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn Diyaarado dagaal xalay ka geysteen deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Guriceel iyo Ceel buur ee bariga gobolka Galgaduud.

Duqeynta ayaa ka dhacday xarruumo ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo ku yaalla deegaanka Bulacle iyo deegaanno kale oo hoos yimaada degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud.

Ilo deegaanka ah ayaa KNN u sheegay maqleen jug dhawaq xooggan oo ah duqeynta ay diyaaradaha dagaalka ka geysnayeen deegaannada u dhaw Ceelbuur.

Duqeynta Diyaaradaha ayaa timid ka dib markii gelinkii dambe ee shalay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaannada Sina-dhaqo iyo Bulacle oo 30KM u jira magaalada Dhuusamareeb.