Somali News

Doorasho madaxtinimada Iiraan oo ka bilaabatay dalkaasi

Dadka reer Iiraan ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta ee tartanka madaxtinimo ee dalkaasi, iyadoo ay jiraan walaac laga qabo tirada dadka ka soo qeyb galaya doorashada madaxtinimo oo aad u hooseeya.

Illaa 60 milyan oo codbixiyeyaal ah oo ku sugan Iiraan ayaa la filayaa in ay u codeeyaan ciddii ay ku aamini lahaayeen talada afarta murashax ee loolanka ugu jira sidii ay u beddeli lahaayeen Madaxweyne Hassan Rouhani.

Madaxa muxaafidka Ebrahim Raisi, ayaa si weyn loogu arkaa inuu yahay ninka ugu cadcad tartanka doorashada.

Hogaamiyaha Sare Ali Hosseini Khamenei ayaa isna saaka oo Jimco ah codkiisa dhiibtay,wuxuuna hor istaagay boqolaal musharax, oo ay ku jiraan kuwa isbedel doonka ah iyo kuwa la safan Rouhani.