Somali News

Dowlada Jilli oo xaalad deg deg ah kusoo rogtay gobol uu dab ka holcayo

Santiyego: Dawlada Jilli ayaa xaalad deg deg kusoo rogtay koofurta wadankaas oo dhan halkaasoo keyn ku taala uu ka holcayo dab xoog leh

War kasoo baxay xafiiska m/weynaha dalka Jilli ayaa lagu sheegay in lakordhiyay xaaladda gurmadka deg dega ah ee gobolada ku yaala koofurta wadankaas waxaana dadka loo sheegay inay deg deg uga guuraan.

Amarkaan waxaa uu saameyn doonaa gobolada Aruushiya iyo Baabiyo halkaasoo lasoo weriyay in dabka holcaya ay ku geeriyoodeen 23 ruux.

Kooxaha dabdamiska ayaa ku hawlan sidii ay u xakamayn lahaayeen dabka oo gaaray ilaa bartamaha xeebaha badda Baasifigga, Boqolaal qof ayaa warbaahintu sheegtay inay ku dhaawacmeen waxaana ku guryo belay kumanaan qoys oo kale sida dawladu sheegtay.