Somali News

Dowladda Liibiya oo wax lagu xumaado ku tilmaantey go,aankii Jaamacadda Carabta.

Dowladda Caalamku Aqoonsanyahay, ee ka dhisan Dalka Liibiya ayaa waxaa ay sikulul ugu hadashey Go, aankii  shaley ka soobaxay, Ururka Jaamacadda Carabta, ee ahaa in Dalka Liibiya aan lagu saameyn wax Faragalin ah.

Taa oo micnaheeda uu yahay inTurkiga  uu ka joogsado Ciidamada uu U direyo Liibiya, kadib Codsi kaga Yimid, Xukuumadda Tiriboli, oo ahaa in Turkiga uu Ciidamo u soodiro.

Wakiila Dowladda Liibiya uga Qeybgaley shilkaasi ayaa waxaa uu Go, aankaasi  ku Tilmaamey, in uu yahay,wax aan la Caqbalikarin, 

Waxaana Go, aankaa  ka muuqada maauuliyadd Daro ayuu yiri, Salax Shammakhi oo ah wakiilka Xukuumadda Liibiya u qaabilsan Jaamacada Carabta.

Hadalkaa ayaa waxaa uu imaaneya iyada oo wali Liibiya uu ka soconeyo, Dagaal U dhexeeya Xukuumadda iyo Falaagada uu Hugaamineyo Janaraal Khaliifa Xafdar.

Wakiila Liibiya Ku mateleyey shirkaas  ay isku yimaadeen wakiilo kakala socodey Dowladaha Ku mideysan Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa hadalkiisa uu sii raaciyey in Go, aanka ay gaareen wakiiladu uu yahay, mid kayimid Dowladda Masar.

Turkiga ayaa Balanqaaday in uu Diyaar u yahay in Dowladda Liibiya uu ka difaaco, mucaaradka Hubeysan ee Xalista Ku ah,Dowladda Liibiya.