Somali News

Dowladda Masar oo Xukun adag ku riday musharax hore

Maxkamada dambiyada ee dalka Masar ayaa 15 sano oo xarig ah ku xukuntay musharaxii hore ee madaxweynenimada dalka Masar.

Abdel Moneim Aboul Fotouh, oo 70 jir ah, xaaladdiisa caafimaadna ay liidato, ayaa isaga iyo hoggaamiyaha ku meel gaadhka ah ee kooxda la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiinka, Mahmoud Ezzat, lagu helay inay faafiyeen warar been abuur ah iyo ku biirista koox argagixiso.

Mr Aboul Fotouh ayaa la xiray sanadkii 2018 markii uu ka soo laabtay Britain.

Isaga oo ku sugan magaalada London, waxa uu bixiyay waraysiyo badan oo uu ku dhaliilay xukunka madaxweyne Cabdulfataax al-Sisi.

Eedaysanayaasha ayaa la sheegay in ay rafcaan ka qaadan karaan xukunkooda.