Somali News

Dowladda oo Sanadkan dib u soo celinaysa Diyaaradii Soomaali Airline

Muqdisho-KNN-Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumadda soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay wadaan qorshihii ay dawlada soomaaliya dib ugu soo celin lahayd diyaaraddii Soomaali Airline ee soomaaliya ay iska lahayd kana shaqayn jirtay gudaha dalka  iyo dibadiisaba.

Waxaa uu sheegay wasiir Oomaar in isla sanadkan 2019 gudihiisa lagu wado in dib loo soo celiyo diyaaraddii  Somali Airline, islamarkaasina ay adeegyadii fulin doonto.

Dawladda soomaaliya ayaa wada olole ay dib ugu soo celinayso adeegyo badan oo muhiim u ahaa bulshada Soomaaliyeed.

Halkan ka Dhageyso;-