Somali News

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarada loo geysto goobaha barakeysan ee Maka

Muqdisho-KNN-Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaleeceyneysa ciddii ka dambeysay weeraradii gantaalada ee lala beegsaday Magaalada Makka Al Mukarama ee dalka Sacuudi Carabiya.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxa ay caddeyneysaa in beegsiga Xaramka ee xurmadda leh uu yahay mid daan daansi ah oo aan la aqbali karin .

Xukuumadda Soomaaliya waxa  ay muujineysaa in weeraradaasi gantalada ah ay u aragto  fal dembiyeed iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobaha barakaysan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadiyeen Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May.

Labadaasi gantaal waxaa kii u horeeyay lagu qarxiyay hawada Magaalada Dhaa’if,kaas oo ku jiheysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay hawada  Magaalada Jidda.