Somali News

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay go’aankii ka soo baxay Kenya

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa waxaa loogu jawaabay Go’aankii Kenya ay Dalku galka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ugu diiday,isla markaana ay ugu xanibtay Magalada Nairobi, kadibna ugu soo celisay Magalada Muqdisho.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajir ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo. Arrintani waa mid ka hor imanaysa heshiiskii ay labadeenna dowladood hore u galeen ee ku saabsanaa in dullimaadyada Muqdisho-Nairobi ahaadaan kuwo toos ah.

Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaasdarteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tixgeliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin.

Halkan ka Akhriso Warqada.