Somali News

Dowladda Sudan iyo mucaaradka oo kala saxiixday heshiis nabadeed

Dowladda ku meel gaarka ah ee Sudan ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay kooxaha mucaaradka ah, heshiiskaas oo ka dhacay xaflad lagu qabtay dalka deriska la ah ee Suudaanta Koofureed.

Heshiiska ayaa looga gol leeyahay soo afjaridda dagaal 17 sano ka socday gobolka Darfur iyo gobollada koofureed.

Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday soo afjaridda dhowr isku dhacyo oo dalkaasi ka dhacay, sida ay ku warrantay wakiil-wareedka sare ee BBC ee Afrika, Anne Soy.

Balse labo koox oo mucaarad ah ayaa diiday inay saxiixaan heshiiska oo la iskula soo qaaday arrimaha la xiriira lahaanshaha dhulka, awood qeybsiga iyo in guryahooda lagu celiyo malaayiin qof oo dagaalka ku barakacay.

Heshiisyadii hore ee lagu soo afjarayay dagaalka muddada dheer socday ayaa guul darreystay.