Somali News

Dowladdo badan oo war ka soo saaray weerarkii ka dhacay New Zealand.

Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Weerarkii ka dhacay Masjid ku yaalla Dalka New Zealand, kaasi oo ay dad badan ku dhinteen, halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay oo lagu kala Magacaabo, Sheekh Muuse Nuur Cawaale, oo ahaa Macallin Dugsi, Sheekh Cabduqaadir iyo Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ah Wiil Lix Sano jir ah, halka uu dhaawac kasoo gaaray Aabihii oo la yiraahdo, Aadan Diiriye, iyadoona arintan ay cambaareeyeen dalalka Caalamka.

Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa yiri “Weerarkan ama cadaawadda ku wajahan muslimiinta ee dunida ay daawanaysay muddo ama mararka qaar ay dhiiri-gelineysay, waxay dhaaftay xuduuddii dhibaateynta shaqsi, waxayna gaartay heer dil wadareed”

“Haddii aan la qaadi tallaabooyin deg deg ah, waxaa midda xiga doona musiibo kale” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri “Weerar ka dhan ah dad si nabdoon isugu yimid inay tukadaan waa naxdin ay ku dheehan tahay xaasidnimo iyo wuxuushnimo:”

“Waxaan rajaynayaa in kuwa ku lugta leh ay maraan ciqaab adag” ayuu yiri Putin.

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa yiri “War naxdin leh ayaa caawa kasoo yeeray New Zealand, weerarkan arxan darrada ah marnaba ma tirtiri doono dulqaadka iyo akhlaaqda ay New Zealand ay caanka ku tahay”

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa tiri “Kadib weerar argagixiso oo argagax leh oo ka dhacay Christchurch, waxaa qalbigeygu la jiraa kuwa uu saameeyey ficilkan rabshadeed ee laga yaqsiyoodo”

Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka, Heiko Maas ayaa yiri “weerarkan arxan darrada ah wuxuu si qoto-dheer u saameeyey dalkayga”.

Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in qalbigiisu la jiro dhibanayaasha qoyska iyo dowladda New Zealand, wuxuuna yiri “Xagjiriinta iyo kuwa mayalka adag, waxay doonayaan inay burburiyaan bulshadeena”