Somali News

Duqa Muqdisho oo qaabilay dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa dadka araga naafada ka ah kala hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta maamulka gobolka Banaadir, waxaana kulanka ku wehliyay guddoomiye ku-xigeenada maaliyadda iyo xog’hayaha guud ee gobolka, waxayna warbixin ka dhageysteen hoggaanka golaha naafada qaranka.

Dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa guddoomiyaha iyo mas’uuliyiinta kale ee gobolka waxa ay ka dalbadeen in la siiyo kuwo la mid ah fursadaha ay heleen dadka lixaadkooda qaba, iyagoo balanqaaday in ay ka fogaadoonaan wax walba oo amni daro horseedi kara.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa dhankiisa sheegay in ka maamul ahaan uu diyaar u yahay garab istaaga dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo isagoo u balanqaaday in maamulkiisu uu sii doono fursado wax ku ool ah.