Somali News

Duqa Muqdisho oo qaaday talaabadii ugu horeysay ee lagu furayo jidadka xiran

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa magacaabay guddi ka kooban todoba xubnood, oo loo xilsaaray kasoo tala bixinta wadooyinka xiran ee Muqdisho.

Xubnaha guddiga ah ee lamagacaabay ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax, waxayna lixda xubnood oo kale ay kala yihiin:

1.Saadaq Cumar Maxamed  (xubin)

2.Ibraahim Macalin Cabdullahi  (xubin)

3.Axmed Xaaji Cabdikariim Ducaale  (xubin)

4.Kornayl Cabdi Cismaan Yuusuf   (xubin)

5.Cabdi Maxamed Baaruud  (xubin)

6.Kornayl Daahir Maxamed Tuuryare  (xubin)

Guddoomiyaha gobolka ayaa guddigaan uu magacaabay waxa uu faray in ay si habsami leh uga soo shaqeeyaan habkii loo furi lahaa wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa markii ugu horeysay 29-kii  bishii hore ee Agosto waxa uu balan qaaday in uu dib u furi doono wadooyinka  dhagaxda lagu jaray ee magaalada Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa dhib ku qaba dhagax iyo ciidan la dhigay inta badan wadooyinka muhiimka ah, taas oo sababtay in magaaladu ay u kala xiranto labo gadi.

Halkaan ka akhriso Warqadda:-