Somali News

Duqeyn iyo dagaal xalay ka dhacay Gedo.

Muqdisho-KNN-Wararka saaka naga soo gaaraya deegaan ka tirsan G/Gedo oo lagu magacaabo Buusaar ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey Al-shabaab iyo militeriga Soomaaliya ,iyadoona Dagaalkaas uu barbar socday Duqeyn diyaaradeed, sida ay KNN u sheegay dadka deegaanka.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Fariisin ciidan oo degaankaasi ku yaallo,waxaana iska caabin ay kala kulmeen ciidamadii fariisiinkaas ku sugnaa.

Inta dagaalka uu socda ayaa la sheegayaa in duqeyn lala beegsaday xubnihi shabaabka ahaa ee weerarka ku qaatay Ciidamada halkaas ku sugnaa sida saraakiish ka tirsan militeriga ay inoo xaqiijiyeen.

Ilaa iyo hada si faah-faahsan loo hayo khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo dagaalka.