Somali News

Eng Yariisow oo u digay taliyaal ciidan iyo Wasaarado katirsan Xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho-KNN-C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta soo saaray amar quseeya dad siyaasiin iyo Ganacsato badan oo guryo iyo goobo Ganacsi ka dhistay xerada Ciidamadii Badda Ex mariino, Guriyaha Taliyaha Ciidamada Badda iyo dhul dalxiis oo ku yaala Xeebto liido ee degmada Cabdul-casiis.

Guddoomiyaha ayaa amray in si deg deg ah looga baxo dhulkaasi, Guriga iyo Xerada Ciidamada Badda ee Cabdul-casiis oo ay u baahan tahay dowladda si loo dajiyo diplomaasiyiinta dalka imanayo sida uu hadalka uu dhigay.

Eng Yariisow ayaa sheegay in qaar kamid ah Taliyaashii hore ee Ciidamada mas’uuliyiin kale oo xilal soo qabtay iyo ganacsato ay dhulkaasi dhisteen arintaasina ay tahay wax aan loo dul qaadan Karin.

Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa sidoo kale hey’adaha dowladda uga digay bixinta dhulka danta guud maadaama uu sheegay in loo xil saaray Guddoomiyaha Gobalka Banaadir

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay kala noqotay ruqsada dadka dhulkaasi la siiyay loogana baahan yahay in ay si deg deg ah uga baxaan

Xerada Ciidamadii Badda Soomaaliya ee Ex mariino ee degmada Cabdul-casiis waxaa laga dhistay dabaqyo iyo guryo waa wayn waxayna noqotay degaan laga hergiliyay dhismiyaal qurux badan lamina oga sida ay ku fududaan doonto ka guuritaanka Xeradaasi.