Somali News

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha bini’aadanimada oo gaaray Garoowe

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka iyo bini’aadanimada CC-Warsame ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Puntland, halkaas oo si weyn loogu soodhaweeyay.

Safarka Ergeyga gaarka ah ayaa salka ku hayo, kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu xiriir la soo sameeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, isagoo kala hadlay inuu yimaado Dowlad Goboleedkaas, si uu ugu kuur galo xaaladda abaareed ee ka jirta.

Sidoo kale, Cabdiraxman Cabdishakur ayaa Puntland kulamo kula soo qaadan doono mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas, waxaana ay kulamadooda diirada ku saari doonaan Abaaraha ka jira deegaannada Maamul Goboleedka Puntland.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Bani’aadannimada CC-Warsame, ayaa la filayaa inuu halkaas ka bilaabo kulamo uu la qaadanayo madaxda maamulkaas, isagoo booqasho ku tegi doona deegaanada iyo degmooyinka ay ku sugan yihiin dadka ay abaartu saameysay ee ku nool Puntland.

Sidoo kale, ujeedka ugu weyn ee uu halkaas u tegayo CC-Warsame ayaa ah, sidii indhaha dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Caalamka ugu soo jeedin lahaa xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoo markaa kadib u jeedin doona baaq ku aadan wixii uu kusoo arkay deegaannada Maamulkaas.

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha bini’aadanimada CC-Warsame ayaa wado dadaalo xoog leh, kuwaas oo la xiriira sidii deeq gargaar ay u heli lahaayeen dadka ay abaartu saameysay oo ku nool gobolada dalka, isagoo teegaya meelaha ay sida daran ugu jirto abaarta oo ay ku nool yihiin dad barakacayaasha ah.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale, xusul duub ugu jiro sidii indhaha dadka Soomaaliyeed iyo caalam-ka loogu soo jeedin lahaa dadka gudaha dalka ku nool oo ay abaartu sida xoog leh u saameysay, wuxuuna tegay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya.