Somali News

Faah faahin ka soo baxaya dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya ku dhaxmaray gobolka Bay.

Muqdisho-KNN-Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaarihii ka dhashay dagaal culus oo maanta Al-shabaab iyo Ciidamada Itoobiya ku dhaxmaray inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyo degmada Buur-hakaba ee isla gobolka Bay.

Dagaalka oo qaatay muddo dhowr saacadood ah ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan. Al-shabaab oo wadada u galay gaadiid katirsan Ciidamada Itoobiya oo ka soo baxay Buur-hakaba kuna sii jeeday Baydhabo ee gobolka Bay.

Ugu yaraan 7 gaari oo nuuca xamuulka ah ayaa laga gubay Ciidamada Itoobiya. Sidoo kale tiro badan oo Ciidankooda ka tirsan ayaa lagu dilay weerarkaasi. Dagaalka ayaa dhacay laba jeer, marka hore ayaa Al-shabaab waxay weerarayn Ciidan ka soo baxay Buur-hakaba, kadib ayaa sidoo kale Al-shabaab waxy weerar kale ku qaadayn Ciidamo gurmad Itoobiyaan ah oo ka soo baxay Baydhabo waana sababta khasaaraha badisay.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la sheegay in dhankooda uu khasaare culus uu soo gaaray. Al-shababa waxay sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen 53 Askari oo Itoobiyaan ah.