Somali News

DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay Sarkaal iyo xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in ay ka hor tageen weerar ay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ku soo qaadeen degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Ciidanka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay Sarkaal ka tirsan dagaalameyaasha Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdi Salaad.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in howgalka lagu dilay xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.