Somali News

Faah faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Awdheegle

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku billaawday ku qaaday Saldhig ciidamada xoogga ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose.

Qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, wali waxaa socda tira koobka dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalka oo ku billaawday qaraxyo.