Somali News

Faah-faahino kasoo baxaya qarax caawa ka dhacay Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan halkaas caawa uu ka dhacay qarax kaas oo uu ka dhashay dhaawaca dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa.

Qaraxan oo la sheegay inuu ahaa bam gacmeed ayaa waxaa lagu tuuray isgooyska lagu magacaabo Soomali Istar ee magaalada Kismaayo, goobta uu qaraxu ka dhacay ayaana waxaa gaaray ciidamada amaanka oo halkaas ka sameeyey howlgal lagu raadinaayo cidii ka danbeysay qaraxan.

Inta la xaqiijiyey qaraxaas caawa ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaaray hal qof oo shacab ah inkastoo ilaa hada aan laga helin faahfaahin intaas dheer.

Ciidamada amaanka dowlad goboleedka Jubbaland oo iyagana goobta ku sugnaa ayaa waxa ay bilaabeen howlgalo, qaraxan caawa ka dhacay Kismaayo ayaana waxa uu kusoo aadaya xili ciidamada Nabad sugida Jubbaland ay fashiliyeen qarax miino inkastoo aysan miinadaas kusoo qaban dad.