Somali News

Faah-faahinta dil maanta ka dhacay Muqdisho

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa hay’adda nabadsugida ee dharcadka duhurnimadii Maanta ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in kooxdan oo ku hubeysan Bastoolado ay dileen saddex kamid askartan, xili ay ku sugnaayeen meel u dhow busteejada gaadiidka ee Suuqa Bakaaraha.

Mid kamid ah dhalinyaradan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Axmed Xasan, kaasi oo hore uga tirsanaa bahda warbaahinta kana soo shaqeeyay warbaahin dhowr ah oo ku taal magaalada Muqdisho.

Dilka ka dib waxaa goobta soo gaaray ciidamada amniga, kuwaasi oo sameeyay howlgal ay ku baadi goobayaan kooxihii dilkaasi ka dambeeyay. Laamaha amniga weli kama hadlin dilkaan.

Mas’uuliyadda dilkaan loo geystay askarta ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab.