Somali News

Faahfaahin: Khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay maqaayad ku taalla banaanka hore ee dugsiga tababarrada ciidamada booliska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye oo ku yaalla degmada Xamar-Jajab ee ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in qof soo xirtay jaakada qaraxda uu isku miidaamiyey maqaayad ay ku wada sugaayeen xubno ka tirsan booliska Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey 6-qof oo uu ku jiro qofkii is-miidaamiyey ayuu sheegay Gaashaanle Doodishe sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxa, halka ugu yaraan sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira shacab iyo boolis, sida uu sheegay Afhayeenka booliska oo warbaahinta la hadlay goor dhow.

Ururka Al-Shabaab oo looga bartay qaraxyada noocaan ah ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, waxayna sheegeen inay ku dileen saraalkiil saraakiil ka tirneed booliska Soomaaliya.