Somali News

Faahfaahin:- Nabadoon xalay lagu dilay Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay  Magaalada Kismaayo ku dileen Suldaan Rashiid Dhure oo ka mid ahaa salaadiinta Dhaqanka ee magaaladasi sida weyn looga yaqaanay.

Suldaanka ayaa la toogtey asagoo kasoo baxay salaada Maqribka waxaana sidoo kale lala diley nin kale oo rayid ahaa, kadib markii uu qeyliyey markii ay rasaasta ku bilaabeen Suldaanka iyo wiil  yar oo asna ay rasaastii la furey dhaawac ka soo gaartay..

Suldaan Dhure ayaa ka mid ahaa salaadiinta wadey soo xulista xubnaha baarlmaanka maamulka Jubbaland.

Ciidamada amaanka ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan Bartamaha Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.