Somali News

Faahfaahin: Qarax is-miidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax noociisa lagu sheegay is-miidaamin ayaa goor dhow ka dhacay maqaayad ku taalla bannaanka hore ee Dugsiga booliska Soomaaliya ee Jenaraal Kaahiye oo ku yaalla degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir.

Qaraxa waxaa la sheegay inuu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, isla markaana uu beegsaday dad shacab u badnaa oo ku sugnaa maqaayadda.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxaas, waxaana goobta xiray ciidamo badan oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku yiri, “Qarax ayaa ka dhacay Xamar Jajab, agagaarka Scuola Polizia, maqaaxi ay dad shacab u badan fadhistaan, wixii ka soo kordha waan idinla socodsiindoonaa.”

Weli si dhab ah looma xaqiiji karo inta uu dhanyahay khasaaraha qaraxaas, balse waxaa lagu wadaa in taliska booliska Soomaaliya uu faahfaahin rasmi ah ka soo saaro.

Wixii ka soo kordha kala soco KNN.