Somali News

Gaalkacyo: Doorasho ka bilaabaneysa goor dhaw iyo musharax tanaasulay

Gaalkacyo-KNN-Goor dhaw waxaa lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Galmudug ay ka bilaabato doorashada guddoomiyaha degmada Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa.

Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa waxaa soo dooranaya golaha cusub ee deegaanka degmada Gaalkacyo, waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu tanaasulay mid ka mid ah musharaxiintii u taagnaa xilka guddoomiyaha.

Cabdiraxmaan Sheekh Jimcaale iyo Cabdifitaax Axmed Barre ayaa u tartamaya xilka guddoomiyaha degmada, waxaana hadda soo yeertay in Cabdifitaax Axmed Barre uu ka tanaasulay u tartamidda xilkaas oo waayahan uu ololihiisa uu ku jiray.

Xilka guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo ayaa waxaa u tartamaya seddax xubnood, waxaana maanta magaalada laga dareemayaa jawi ka duwan sidii hore, inta badan wadooyinka magaalada ayaa xiran, waxaana magaalada la isla dhex marayaa hadal heynta ku aadan doorashada duqa magaalada iyo ku xigeenkiisa.

Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa ka kooban 27-xubnood, waxaana la dhaariyey maalin ka hor, waxayna Gaalkacyo noqotay magaaladii ugu horreysay Galmudug ee yeelata gole deegaan.