Somali News

Galmudug oo Ciidamo Boolis ah geyneysa deegaanadii laga saaray AS

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Abshir Cabdi Shiikhow ayaa sheegay in deeganada laga saaray alshabaab ee hoostaga maamulkaasi ay geyn doonaan ciidamo boolis ah kuwaasi oo sugaya amniga guud ee deegaanadaasi.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in deeganada mudada dheer ay mamulayeen alshabaab balse laga saaray todobadyadii lasoo dhaafay maamulka galmudug uu geyn doono adeegyadii dowladnimo ee looga baahnaa.

Wasiir Abshir Ayaana waxa uu hadalkiisa raaciyey in maamulka galmudug uu wado qorsha alshabaab looga saarayo deeganada ay weli kaaga sugan yihiin maamulkaasi.

Ciidanka dowlada iyo kuwa dadka deegaanka oo kaashanaya ciidanka daraawiishta Galmudug ayaa Alshabab kala wareegay deegaano ay mudo dheer maamulayeen.