Somali News

M/weynihii hore ee Pakistan oo ku geeriyooday isbitaal kuyaala Imaaraatka Carabta

Islamabad: M/weynihii hore ee dalka Jen Parfez Musharaf ayaa u geeriyooday xanuun kusoo booday oo loo dhigay isbitaal ku yaala magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta.

War kasoo baxay militryga Pakistan ayaa lagu sheegay in Jeneralku uu u geeriyooday xanuun soo boodo ah waxaana da’diisu ahay 79 sanno jir Parfez Musharaf ayaa talada dalka Pakistan afgambi ku qabsaday sanadkii 1999 waxaana uu m/weyne ka ahaa dalkaas illaa sanadkii 2008.

Intii uu xukunka hayay waxaa uu dagaal adag la galay kooxo hubaysan oo xagjir ah waxaana uu aad u taageeray dagaalkii dawladaha reer galbeedka la galeen ururada Taliban iyo Al-Qacida dhawr mar ayuuna ka badbaaday isku dayo la doonayay in lagu dilo.

Doorasho dalkaas ka dhacday sanadkii 2008 ayaa looga adkaaday waxaana mar lagu xiray dalkaas laakiin illaa sanadkii 2016 ayuu musaafuris ahaan ugu noolaa magaalada Dubai, Meydka m/weynihii hore ee Pakistan Jen Parfez Musharaf ayaa loo qaaday dalkiisa halkaasoo lagu aasi doono sida dawladu sheegtay.