Somali News

Galmudug oo sheegtay in deegaano badan laga saaray Al-shabaab

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid qabashada Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ee magaalada Bacaadweyne iyo deegaano kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada ay labadii cisho ee la soo dhaafay la wareegeen deegaanada Bacaadweyne, Qeycad, Shabeelow, Xinlibi, Galxagare, Hul-doonyaale, Sargo, Qodqod iyo Camaara.

Sidoo kale, waxaa uu ku boorriyay in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaannada Galmudug.