Somali News

Gen Odawaa oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Sh/dhexe

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar ismiidaamin ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla Gobalka Shabeellada Dhexe.

Gen Odawaa Yuusuf Raagge Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaya qarxaha lagu weeraray banaanka hore ee saldhig ay taliska xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada Dhexe.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ilaa 4 askari oo ilaalo ka haysay saldhiga ay ku dhaawacmeen qaraxa, balse ma sheegin khasaaraha kale ee ka dhashay qaraxa.

Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidamada ay haysteen xogta qaraxa, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in ciidamada ay ka hortageen qorshihii ay soo maleegeen Al-shabaab, sida uu hadalka u dhigay.