Somali News

General Khalifa Haftar oo isaga baxay shirkii Nabadeenta ee ka socday Magaalada Moscow

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ay wadeen Dadaalo ku aadan in uu is afgarad kusoo dhamaado shirkaasi balse waxaa muuqata in ugu damayn uu fashilmay.
Hoggaanka Dowladda qaramada midoobay ay aqoonsan tahay ayaa dhankooda maalinimada isniinta saxiixay heshiiskaasi halka General haftar uu codsaday waqti dheeri ah.
Tani ayaa waxa ay ka dhigan tahay in dhiiga ku daadadanaya dalka liibiya aan wali loo helin xal lagu soo afjarayo.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca masuuliyiinta dowladda liibiya oo ay uga hadlayaan shirkan fashilmay iyo sida ay u arkaan.
Tan iyo markii la dilay Hoggaamiyihii mudada dheer hayay talada dalkaasi mucamar al_khadaafi waxaa dalkaasi uu galay xaalad adag oo sababtay dhimasho dhaawac shacabka dalkaasi ay la kulmeen.