Somali News

Golaha Ammaanka oo ansixiyay qaraar xabad joojin degdeg ah oo ka dhaqan gasha Qaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray qaraar ku baaqaya xabad joojin degdeg ah oo ka dhaqan gasha magaalada Qaza.

Qaraarkii xabbad joojinta Qaza ayaa waxaa muddo uu horyaallay golaha, iyada oo uu diidana Mareykanka, balse markaan waa uu ka aamusay.

Dalalka xabad joojinta u codeeyay ayaa kala ah Algeria, Sierra Leone, Mozambique, Republic of Korea, Japan, Slovenia, Guyana, Ecuador, Malta, Switzerland.

Israel ayaa dooneysay in qaraarka xabbad joojinta la meelmariyo markii la sii daayo maxaabiista Xamaas ay ka heysato.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in  Mareykanka ku guul-darreystay in uu qaraarka kaga horyimaado codka diidmada qeyxan.

Wuxuu intaas ku daray in tillaabadaasi ay dhaawici doonto dagaalka ee dhanka ah Xamaas ee Qaza – iyo sidoo kale dadaallada lagu sii deynayo in ka badan 130 la haystayaal ah.