Somali News

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey sharciga Saxaafadda dalka

Muqdisho-KNN-Kalfadhiga 6aad kulankiisa 29aad oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayna goob joog ka ahaayeen ku-xigeennada 1aad iyo 2aad ee golaha Aqalka Sare ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradda.

Guddomiyaha guddiga horumarinta, adeega bulshada, warfaafinta iyo dhaqanka ee golaha Aqalka Sare Senator Axmad Macalin Cumar Nadiir ayaa ka hor akhriyay golaha Aqalka Sare hindise-sharciyeedka Saxaafadda.

Kadib dood dheer oo goluhu uu ka yeeshey sharciga Warbaahinta ayaa ugu dambeyntii cod loo qaaday, waxayna isku raaceen in si rasmi ah loo meel mariyo.

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sheegay in sharcigan ay Haa ugu codeysay 23 Senator, halka seddax senator ay diiday waxaana ka aamusay hal Senator, sidaas ayuuna ansax ku yahay sharciga Saxaafadda.

Sharcigan oo muhiimad gaar ah u leh warbaahinta dalka waxaa horey u soo ansixiyay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana loo gudbin doonaa Madaxweynaha, si uu u saxiixo.