Somali News

Golaha Wasiirada Jubbaland oo isku raacay in aysan shaqaalaha iyo Ciidamada ka qayb qaadan olalaha doorashada Jubbaland.

Kismaayo-KNN-Warsaxaafadeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland ayaa looga hadlay Arimaha doorashooyinka Jubbaland ee sanadkaan 2019.

Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isku raaciyay in aysan Shaqaalaha iyo Ciidamada aysan ka qayb qaadan karin Olalaha iyo taageerada Mushaaraxiinta Jubbaland.

Akhriso Warsaxaafadeedkii ka soo baxay Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha waxaana Warbixino lagaga dhagaystay qaar kamid ah wasaaradaha Dowlada waxaana ka qayb galay Sarakiisha Ciidamada iyo gudiga shaqada iyo shaqaalaha.

Ugu horayn waxaa golahu uu isku raacay in dhamaan Ciidamada dowlada aysan ku lug yeelan howlaha la xiriira doorashooyinka iyo bandhigyada siyaasadeed iyadoo ay goob joog ahayeen Taliyayaasha Ciidamada kala duwan waxaana la faray in dhamaan Ciidamada Dowladu ay ku shaqeeyaan awaamiirta sarakiisha iyo amarada Dowlada oo aysan marna ka qayb gali karin bandhig Siyaasadeed ama olole doorasho midna.

Sidoo kale golahu wuxuu isku raacay in shaqaalaha Dowlada aysan ka qayb gali karin ololaha doorashooyinka isla markana cidii lagu helo laga qaadi doono talaabo sharci ah dhamaana ay ka reeban yihiin ka qaybgalka arimaha Siyaasada iyadoo golahu uu faray gudiga shaqada iyo shaqaalaha in ay si dhow ula socdaan dhamaan shaqaalaha Dowlada oo ay qofkii lagu helo ka qayb qaadashada arimaha doorashooyinka ay ka qaadan talaabo sharci ah iyadoo la raacayo xeerka shaqaalaha ra’yidka ah waxaana kulanka maanta ka qayb galay Gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka gudiga shaqada iyo  shaqaalaha

Dhinaca kale waxaa golaha loo qaybiyay hindise sharciyeedka waxbarashada iyo xeerka farsamada gacanta iyadoo maalmaha soo socda laga doodi doono kadibna uu golahu ansixin doono.

Wasaarada Arimaha gudaha ayaa ka dayrisay qaar kamid ah deegaanada Jubbaland oo ay ka jirto dhibaatooyinka ka dhashay Abaaraha iyo nafaqa daro taas oo ay Wasaaradu u gudbisay dhinacyada ku shaqada leh si wax looga qabto isla markana meelaha qaar loo diray gudiyo soo qiimeeya inta ay baahidu la egtahay.

Wasaarada Caafimaadkana waxaa ay sharaxaad ka bixisay howlo caafimaad oo laga fuliyay afar degmo oo katirsan Gobolka Gedo iyadoo ay ka faa’iidaysteen boqolaal dadweynaha ku kala nool Degmooyinka Baardheere Beledxaawo Luuq iyo Doolow.

                         DHAMAAAAAD.