Somali News

Guddiga Amniga iyo Arimaha Gudaha ee Golaha Shacabka oo ka warbixiyay doorkooda arimaha amniga Muqdisho

Muqdisho-KNN-Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga amniga iyo arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ahna ku-simaha Guddoomiyaha Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey iyo Xildhibaan Axmed Ismcaaciil oo xubin ka ah guddiga ayaa waxay faah-faahiyeen doorka guddiga.

Xildhibaan  Maxamed Cabdulle Faarax Geesey, ayaa ugu horeyn bogaadiyay guulaha laga gaaray dacwadda Soomaaliya ee dhanka Badda, dib u xoreynta degaannada ay ku sugan yihiin argagixisada Al-Shabaab iyo dedaallada ay xukuumadda Soomaaliya ugu jirto arrimaha dib u heshiisiinta.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga amniga iyo arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey ayaa xusay inay kormeer ku sameeyaan hanaanka ay u socdaan howlaha amniga, kaddibna ay la wadaagaan Saraakiisha amniga gaar ahaan kuwa ay quseyso.

Xildibaan Geeseey ayaa soo jeediyay in laamaha ammaanka ay kalsooni dhow la yeeshaan Shacabka, bulshaduna ay Gacan ku siiyaan sidii looga hotegi lahaa wax kasta oo nabadda wax u dhimaya.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil, oo xubin ka ah Guddiga amniga iyo arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay xagga amniga wax badan ka qabatay, balse loo baahan yahay in Shacabku ay doorkooda ka qaataan