Somali News

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo maanta dooranayo guddoomiye

Muqdisho-KNN-Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ku doortaan guddoomiye cusub ka dib markii dhawaan ay xilka ka qaadeen gudoomiyihii guddigaasi Maxamed Xasan Ciro.

Qaban qaabada doorashada ayaa  socoto waxana la filayaa in sacadaha soo socdo Guddiga ay doortaamn guddoon cusub,waxana xubnaha qaban qaabada doorashada guddoonka ay wadaa diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

Dhawaan aya ahayd markii markii guddiga loo xil saaray qaban qaabada doorashada guddiga FEIT ayaa shaaciyay xilliga ay dhacayso doorashada guddoomiyaha guddiga hergalinta doorashooyinka heer Fadaraal.