Somali News

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka

Kismaayo-KNN-Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa kulan la qaatay salaadinta iyo odayaasha dhaqanka Jubbaland, Waxaana kulanka looga hadlayay habka loo maraayo hannaanka xulista barlamaanka Jubbaland.

Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in ay bilaabi donaan soo xareynta odayaasha dhaqanka Jubbaland si ay uso xulaan xildhibaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhammaan degmooyinka ay ka koobantahay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa laga keeni doona odayaal dhaqameed matala, Waxaana la keeni doona magaalada Kismaayo iyada oo la siin doono tababaro ku aadan xalinta khilaafaadka, isku tanaasulka, qancinta beelaha iyo sidoo kale hannaanka soo xulista mudanayaasha baarlaamanka Jubbaland kuwaas oo dooran doona madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Guddiga oo wada tashi la sameeyay odayasha dhaqanka Jubbaland ayaa isku raacay in oday dhaqameed walba uu keeno saddex qof oo beeshiisa, halkii uu keeni lahaa hal qof, Kaddibna looga xusho midkii noqon lahaa xildhibaanka.

Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay wadatashiga ay laqateen guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, Waxayna sheegeen in keenida saddex musharax yarayn doonto khilaafka iyo edaymaha beelaha dhexdooda ah, haddii nidaamka loo maro sida uu yahay.