Somali News

Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiishiinta Galmudug oo sheegay inaan shir lagu qaban karin Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Guddoomiyaha guddiga  qaban qaabada shirka dib u heshiishiinta beelaha Galmudug Cabdiraxmaan  Macalin Cabdullaahi Baadiyow  oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in aan Dhuusamareeb lagu qaban doonin shirka dib u heshiishiinta beelaha dega deegaanada Galmudug.

Guddoomiye Baadiyow ayaa sheegay in inta laga helayo ciidamo ka tirsan dowladda  Soomaaliya ee la wareega Amniga Magaalada Dhuusamareeb aan shirka dib u heshiisiinta lagu qaban Karin, sababta ayuu ku sheegay in tahay inaan xiligan amniga Dhuusamareeb la isku haleyn Karin.

Guddoomiyaha ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in arintan ay la wadaageen  Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Arintaan ayaa imaanaysa iyadoo beelaha qaar ay diidan yihiin in ay tagaan magaalada Dhuusamareb iyaga oo tabasho ka qaba in maamulka Ahlusuna oo gacanta ku haya Degmooyinka Guriceel ,iyo Dhuusamareeb.