Somali News

Guddiyadii xaqiiqa raadinta dadkii lagu dilay Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb oo la kulmay madax katirsan Puntland

Gaalkacyo-KNN-Guddiyadii ka kala socday Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku sugan Magaaladda Gaalkacyo ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland kulan kula qaatay maamulka magaaladda Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay wada degnaanta iyo deris wanaagga dhamaan dadka degan Magaaladda Gaalkacyo,waxaana kulanka inta uu socday dhamaan bulshada reer Gaalkacyo looga mahad celiyay soo dhoweyntiisa dad kasoo jeeda deegaanadda kale ee halkaasi ku nool.

Sidoo kale gudiyadan ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha gobolka mudug iyo qeybta booliska Oo ay ka wada hadleen sidii si xor ah oo nabad gelya ah ugu wada noolaan lahaayeen dhamaan bulshada magaaladaasi ku nool,Sidoo kale waxaa Kulanka looga hadlay Sidii loo kala saari lahaa dadka ku xld xiran xabsiyada magaaladda Oo kuwii dambi lagu helo sharciga la marsiiyo kuwii dembi lagu waayana xabsiga laga sii daayo si ay xoriyadooda u helaan.

Ugu dambeyn waxaa aad looga hadlay in aysan dib dambe u dhicin in cid gaar ah la beegsado,kadib markii dhawaan dad shacab ah lagu8 dilay magaalooyinka Gaalkacyo iyo deegaano hostaga Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.