Somali News

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Imaaraadka Carabta kala hadlay xaaladda Abaaraha

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cavdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan.

Danjiruhu wuxuu Guddomiyaha soo gaarsiiyay salaan sharafeed iyo dhambaal hambalyo ah oo ku aadan dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi, taas oo uu uga siday Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaranka ee Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash.

Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxaa kale oo ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, sidii ay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda dalka, iyo waliba in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo dhax mara Golayaasha Sharci dejin ee labada Dal.

Kulanka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad  Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) Xoghaya Guud ee Aqalka Sare iyo Senator Saynab Ismaaciil Maxamed.