Somali News

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlay Shacabka KGS

Baydhabo-KNN-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta ka hadlay masaajid ku yaala gudaha madaxtooyada Baydhabo.

Guddoomiyaha ayaa masaajidka ka sheegay inuu ka shaqeyn doono dhex-dhaxaadinta maamulka Koonfur Galbeed iyo shaqsiyaadka tabashada ka qaba doorashadii ka dhacday Baydhabo bil ka hor.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu heshiisiin shacabka iyo maamulka oo maalmihii dambe tabashadoodu ay aad u badneed. Waxa uu sheegay inuu ku sugnaa doono magaalada Baydhabo maalmo kale ilaa inta uu isaga keenayo maamulka iyo Shacabka KGS.