Somali News

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shaqadooda u fasaxay Guddiga Maaliyadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa shaqadooda u fasaxay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo hore lagu kala diray warqad ka soo baxday Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa warqad xafiiskiisa ka soo baxday shaqadooda loogu fasaxay gudoon oo hore la sheegay in la kala diray waxayna tani meesha ka saaraysaa murankii ka taagnaa jiritaanka Guddiga.

Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa dood badan ka dhax dhaliyay fadhiga Baarlamaanka sifoo kale waxay mudo maalmo walaac ah geliyeen xukuumada kadib markii ay ku eedeeyeen musuq maasuq.