Somali News

Guddoomiyihii Guddiga doorashada Jubbaland oo lagu xiray Kismaayo

Kismaayo-KNN-Waxaa magaalada Kismaayo lagu xiray guddoomiyihii guddigii doorashooyinka Jubbaland, garabkii la mac baxay Isbedel doonka ee Madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xiddig

 Ninkaan oo laggu magacaabo Bakaal Cabdullaahi Kooke ayaa sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay Xildhibaanada garabka la magac baxay is bedel doonka ee madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig, waxaana galabta lagu xiray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, xilli uu doonayey inuu u safrro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa la sheegay inay kala dageen diyaaradda xili ay ka kici rabtay Kismaayo, waxuuna hadda ku xiranyahay xabsi kuyaalla Garoonka diyaaradaha, oo ay maamulaan ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya iyo sidoo kale kuwa Jubbaland.