Somali News

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal oo maanta Muqdisho lagu doortay.

Muqdsho-KNN-Guddoomiyaha Guddiga doorashada FEIT, ayaa maanta loo doortay Muuse Geelle Yusuf kaasi oo helay   codod gaarayo 14 cod, halka C/raxiin C/casiis Aadam oo la tartamayay uu helay isna 11 cod.

Muuse Geelle ayaa si weyn looga ololeynayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sida ay KNN ushegeen xubno ka tirsan xafiiska Rooble isagoo sidoo kale garab ka helayay qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

C/raxiin  ayaa sidoo kale  isna taageero ka helayay villa Soomaaliya iyo xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta mucaaradka.

Dorashadaan oo ka dhacday Afisyoone ayaa aheeys mid lagu dooranayay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal, waxaana warar soo baxayay ay shegayeen in labada xafiis kan Rooble iyo Farmaajo ay doonayeen in ay soo saaran midba midma kale shakhsi ay wataan.