Somali News

Hadal jeedinta musharixiinta madaxweynaha Hirshabelle oo goordhow bilaabanaysa

Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa goordhow waxaa ka bilaabanaysa hadal jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa

Qabab qaabadii ugu dambeysay ayaa hada ka socota hoolka ay mudaneyaasha baarlamaanka Hirshabelle ku shiraan , iyadoona goordhow ay tageen xildhibaannada cusub ee maamulkaasi, waxaa ayna dhageysan doonaan barnaamij siyaasadeedkooda ee musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa

Xilka madaxweynaha ilaa iyo hadda waxaa isku soo taagay Cali Maxamed Xusseen Guudllaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan , halka madaxweyne ku-xigeenkana ay ku tartami doonaan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere] oo horey u soo noqday wasiirka maaliyada maamulka Hirshabeelle.

Maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 11ka bishan November ayaa la filayaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada oo siweyn isha loogu hayo.