Somali News

Hargeysa: Maxkamad xukunno kala duwan ku riday 7-nin oo kufsi loo heysto

Hargeysa-KNN-Toddoba nin oo lagu eedeeyay in ay kufsi geysteen ayaa maanta lasoo taagay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Ragaas ayey maanta maxkamaddu ku riday xukunno kala duwan.

Ragga maanta maxkamadda lasoo taagay ayaa lagu eedeeyay in ay kufsi u geysteen gabar kamid ah carruurta lagu xanaaneeyo xarumaha agoonta.

Shan ka mid ah ragaas ayey maxkamaddu ku xukuntay mid lix bilood oo xabsi ah, halka labada kalena ay ku xukuntay mid seddax sano oo xabsi ah.

Garyaqaan Jamaal Mandeella oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in eedeysanayaasha uu racfaan u furanyahay.