Somali News

Haweeney la sheegay inay ka tirsaneed Al-shabaab oo isku dhiibtay ciidamada Kenya

Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliiska ee dalka Kenya ayaa waxaa isku soo dhiibay Mumina Eroba oo horay ciidamada ay madaxeeda dul dhigeen Hal Milyan oo Shilin xiligaas oo hadda laga joogo muddo bil ah.

Haweeneydan ayaa lagu eedeeyay inay ka tirsan tahay dagaalameyaasha Al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyay inay wax ka qorsheysay weerarkii Bishii Febuary ee Sanadkan ka dhacay Tuulada Qarsa oo ka tirsan Wajeer, halkaasoo ay ku dhinteen Saddex  Qof oo Laba ka mid ihi ay ahaayeen Macallimiin.

Maxamuud Saalax oo ah isku duwaha Gobolka waqooyi-bari Dalka Kenya ayaa Jariiradda The Star u sheegay in isa soo dhiibistay Haweeneydani ay guul weyn u tahay dagaalka lagula jira argagixisada.

Haweeneydaan ayaa ah Hooyada Cabdiwaaxab Cusmaan Axmed, oo isna lala xiriirinayo weerar ay ku dhinteen 8 Askari oo ka dhacay isla magaalada Wajeer.

Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in jiraan xubno kale oo ay ugu shakisan yihiin in Al-shabaab ay ka tirsan yihiin oo ay ku raad joogaan.