Somali News

Hay’addaha gargaarka oo ka digay macluul ka dilaacda G.Tigray

In ka badan 350,000 qof ee gobolka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa waxaa heysta xaalado macluul, iyadoo malaayiin kalena ay halis ku jiraan, sida lagu sheegay qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka kuwaas oo ku eedeeyay iska hor imaadka musiibadii ugu xumeyd ee cunno muddo toban sano ah.

Reuters ayaa ku warrantay in madaxa gargaarka Q.M Mark Lowcock uu sheegay shalay in macluul ay ka jirto Tigray tirada dadka ku jira xaaladaha macluushana ay ka badan tahay meel kasta oo adduunka ah, daqiiqad kasta tan iyo markii rubuc milyan Soomaali ah ay naftooda ku waayeen sanadkii 2011 kii .

5.5 milyan ee shacabka Tigray ayaa badankoodu waxay u baahanyihiin gargaar cunno.
Colaada gobolka oo bilaabatay bishii November taas u dhexeeysay ciidamada Ehiopia oo garabsanaya kuwa Eritrea iyo kuwa jabhada TPLF, ayaa waxa ku dhintay kumanaan iyadoo ku qasabtay laba million oo qof in ay ka qaxaan guryahooda.