Somali News

Hay’adda IMF oo war ka soo saartay Deyn-cafinta Soomaaliya

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta.

IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo soo saaray qoraal kooban ayaa soo dhaweeyay Warbixinta IMF ee hannaanka dib-u-eegista 6-aad. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa balan qaaday in Dowladdu ay ka go’an tahay sii wadiidda iyo joogteynta hannaan walba oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.